Noloshii AXMED GODANE: Bilowgeedii illaa dhamaadkeedii +(Video Al-Jazeera)

Waxa maanta geeridiisii la xaqiijiyey hoggaamiyihii ugu sareeyey ee Xarakada Al-Shabaab Mr. Axmed Cabdi Aw Maxamuud (Axmed Cabdi Godane), runtii inka badan 20 jeer baan qalinka u soo qaatay in aan qoro maqaalkan haddana waan ka walaacay, sababtuna waxa ay ahayd su’aal aan is weydiinayey oo ahayd ma mudan yahay in wax laga qoro misna ma mudna. Markii 21aad oo hadda ah baan bilaabayaa aniga oo isku qanciyey in uu mudan yahay in wax laga qoro shar iyo khayr labadaba weliba si cadaalad ah:

Waa kuma Axmed Godane:

Waa Axmed Cabdi, sida ay ugu yeedhaan saaxiibadiisa aadka ugu dhowi, wuxu ku dhashay magaalada Hargeisa hilaadda 1968kii illaa 69kii (taariikhda 1977 ee lagu sheegaa waa khalad: 1987 wuxuuba dhameeyey dugsiga sare).

Markii 1988kii dagaaladu ka dheceen gobolada Woqooyi Axmed Cabdi wuxu ka mid ahaa dhalin yaro aan ka qayb qaadan dagaaladii SNM oo u qaxay Jabuuti, halkaas oo ay wada deganaayeen xaafadda Xubuli asxaabtiisii ay isku xilqadda ahaayeen ama saxwada islaamiga ah ku wada jireen ee reer Hargeisa,

Hilaadda 1993kii ayuu helay scholarship ama mixnah daraasiyah oo uu sanadkiiba bixin jirey sheekhii weynaa ee Sucuudiga ahaa ee Bin Baz, waxaanu ka degey magaalada Karachi, waxaana soo dhoweeyey wadaadii Itixaadka ee Karachi joogay gaar ahaan waxa gurigiisa dejiyey Shiikh Bashiir Salaad (Hawiye/Habar-Gidir/Saleebaan/Obokor) oo hadda ah Guddoomiyaha Culimada Soomaaliyeed (Sh. Bashiir wuxu ka badbaaday isku day dil laba jeer waxaanu ahaa bar-tilmaameedka koowaad dhinaca culimada ee Axmed Godane). 1994kii Axmed wuxu u guuray magaalada Islamabad ee isla dalka Pakistan kaddib markii uu ku ta’athuray fikirkii jabhaddii Inqaadul Islaam ee Aljeeriya (GLA) waxaanu magaalada Islamabad ka soo saari jirey jariiraddii la odhan jirey Al Basiira ee jihaadiga ahayd. 1996 ayuu ka qalin jebiyey Jaamacadda International Islamic University ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistan isaga oo shahaadada Masterka ee dhinaca dhaqaalaha ka soo qaatay. Waxa xusid mudan in intii uu Axmed Jaamacadda ku jirey uu fasax kasta tegi jirey goobaha jihaadka ee Afghanistan isaga oo soo qaatay tababarro adag iyo fikir jihaad oo noloshiisa beddelay.

Qabiil ahaan Axmed wuxu ahaa reerka la yidhaahdo Isaaq gaar ahaan Arab Sh Isxaaq, waxaanu ka sii yahay Muuse Abokor/ Afyare, waxaanu ka soo jeedaa reer laga wada garanayo Hargeisa, walaaladii oo wiilal u badan ayaa si weyn loo yaqaanna, sida walaalkiisa weyn ee Maxamed Godane oo mar noqday Abaanduulaha ugu sarreeya dhinaca Hawl Gelinta ee Ciidanka Booliska Somaliland.

1997kii ayaanu dalka ku soo noqday isaga oo markaa degey oo xarun ka dhigtay magaaladii Yiroowe sababtu waxa ay ahayd xarakada Itixaadka/Ictisaamka oo uu ka tirsanaa ayaa ku xoogganayd Yiroowe, iyo asxaab badan oo Reer Pakistan ah oo rafiiq la’ ahaa. Waana Yiroowe meesha uu ku soo shaac baxayaa Axmed ee lagu wada baranayaa kaddib markii uu sidii Ina Cabdille Xassan dood dheer oo diini ah la galay shiikhii ugu weynaa magaaladaas Shiikh Cabdikarim Xassan Xoosh (Isaaq/Habar-jeclo/Reer Daahir). Isla 1998kiiba wuxu u soo wareegay Hargeisa halkaas oo ay jaanta isla heleen saaxiibkiisii qaaliga ahaa ee Axmed-Keyse Cali Xuseen (Isaaq/Ciida-gale/Reer- Gobdoon) oo uu aakhirkii gacantiisa ku dilay, waxay wada furteen hay’ad khayri ah iyo dukaan iibiya qalabka Computerada waana sanadkaas sanakii xigey marka uu Hargeisa ku guursanayo xaaskiisii koowaad oo ah Ina Shiikh Baraawe oo Shiikhaal ah. Isaga oo shaqo rasmi ahna ka helay shirkaddii Al Barakaat qaybteeda telefoonada oo hadda ah Telesom, waxaanu sanadkii 2000 noqday madaxa suuq-geynta shirkadda (Director of Marketing).

Septerber 11 iyo Bilowgii Halgankiisa

Isaga oo xaaladdaa shaqo iyo qoys ku jira ayaa waxa dhacay September 11 iyo weeraradii Al Qaaciida ku qaadday dal-weynaha Maraykan, kaddib dhaqdhaqaaqa Al Qaaciida wuxu qaatay dagaalkii geerida ee sahayday malaayiinka qof oo ku kala nool daafaha adduunka.

Waxa farriintii Al-Qaaciida Hargeisa keenay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibrahim Afghani (Isaaq/Sacad Muuse/Reer Shirdoon), oo Osama Bin Ladin u soo xilsaaray sidii uu u hawl gelin lahaa xubnihii Al Qacida ee joogay Soomaaliya, oo ay u yaqaaneen (Ardul Hijrateyn). Si dhakhso ah ayuu Ibrahim ula kulmay Adan Xashi Cayrow (Hawiye/Habar-Gidir/Cayr/Cabsiiye) iyo Axmed Godane iyo rag kale oo taageersanaa shabakadda Al Qaaciida. Waxaanay bilaabeen hawl-gallo goos goos ah. Waxay ku bilaabeen dadkii u shaqaynayey hay’adaha gargaarka ee joogay Hargeisa iyo Boorame, sanadkii 2005 na waxa ay isku dayeen in ay dhacaan lacag aad u fara badan oo ay lahaayeen Ethiopian. Hawlgalkaas oo uu maamule ka ahaa Ahmed Godane, fuliyena uu ka ahaa Cabdillahi Gaab (Hawiye/Habar Gidir/Cayr).

Markii mashruucaasi dhacu uu fashilmay, Axmed iyo Ibrahim Afghani waxa ay u soo baxsadeen magaalada Muqdisho oo uu saaxiibkood Cayrow u sii joogay, maalmahaana loo dhiibay maxkamaddii Cayrka ee Ifka Xalan. Waxa kale oo ku soo biiray wakiiladii waaweynaa ee Al Qaida East Afrika (AQEA) sida Fazul Abdalla oo u dhashay jasiiradda Komoros, ciidamada Soomaaliyana 2011 ku dileen Ex-Koontorol Muqdisho, Salah Nabhani oo u dhashay Gobolka Xeebta ee dalka Kenya 2012 ay ciidamada Maraykanu ku dileen Buulo Mareer iyo Mudul Baraawe dhexdooda. Abdalla Suudaani oo reer Suudaan ahaa oo ku dhintay dagaalkii Nihaatul Murtadiin ee Muqdisho. Dhammaantood waxay ahaayeen rag si weyn loo doonayo oo lug ku lahaa qaraxyadii lagu dhammaaday ee ka dhacay Nairobi iyo Daarasalaam sanadkii 1998kii.

Cayrow, Godane iyo Afghani waxay Muqdisho ka bilaabeen olole aan caadi ahayn oo ay ku soo jiidanayaan dhalinyaradii niyad-jabka iyo quusta ka qaadday mustaqbal xumadii dalka, shaqo la’aantii dhibtay iyo naxariis daradii hoggaamiye kooxeedyada. Durba waxay ku guuleysteen in ay abuuraan unugyo xaafad kasta ka hawl-gala, waana markaas maka ay isu muuqdeen hay’adihii sirdoonka ee Maraykan iyo Ethiopia ka joogay Muqdisho. Waxa bilaabay dagaalkii bisadda iyo jiirka illaa ay gaadhay in diyaaradaha Maraykanu ay saqda dhexe ku soo degaan Dayniile oo ay Xamar wax ka afduubaan iyaga oo kaashanaya hoggaamiye kooxeedyadii markaas jirey. Dhinacooda jihaadiyuuntu waxay bilaabeen in ay ugaadhsadaan qof kasta oo ay ku tuhmaan xidhiidh uu la leeyahay shabakadahaas sirdoonka. Waxay dileen dhowr sarkaal oo ay tuhmeen laakiin baraaruggii ugu weynaa wuxu dhacay 12kii July 2005 markii ay saqdii dhexe gurigiisa ugu soo dheceen aqoon-yahan Abdulkadir Yahye Cali (Hawiye/Murursade/Sabdi) oo markaa ahaa Agaasimaha Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baadhista (CRD), waxa aad loo aaminsan yahay in Cayrow iyo Godane labuduba hawl-gal kaas ka qayb-qaateen oo ay ku jireen baabuurkii bannaanka ku sugayay dhalinyarada hawl-galka fulisay.

Arrintaa Abdulkadi Yahye waxay dhalisay kacdoon ay kaceen hoggaamiye kooxeed-yadii oo ay sii laban-laabeen dagaalkii, shirkoodii Say Biyaanyo iyo kii Dayniile hoggaamiye kooxeedyadu waxay isku raaceen dagaal midaysan, waxaanay la baxeen isbahaysiga argagaxiso la dirirka kaas oo markii dambe loo bixiyey isbahaysiga ashahaado la dirirka. Sidaas baa waxa iyaguna ku midoobay maxkamadihii islaamiga ahaa ee Muqdisho oo ay ka mid tahay tii jihaadiyuuntu maamulayeen ee Ifka Xalan.

Axmed Godane wuxu noqday Xoghayaha Guud ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo muddo lix bilood ah ka talinayay Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, isaga oo Godane ka mid ahaa madaxdii Shiikh Shariif Shiikh Axmed (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya) uu u diray shirkii Kharduum ee lagu wada hadalsiinayey Maxkamadaha iyo dowladdii Cabdullahi Yuusuf. Intii Maxaakiimtu xukunka haysay waxa ku hoos dhismayey xarako xoog badan oo jihaadi ah, waxay ahaayeen laba garab oo midoobay waa Groupkii ifka Xalan iyo groupkii Raaskaambooni ee uu hoggaaminayey Xasan Turki (Daarood/Ogaadeen/Reer Cabdulle). Waxaanay labada kooxood sanadkii 2006 wada dhiseen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo uu Guddoomiye u noqday Ismail Caraale (Isaaq/Habar Yonis/Muse Carre ) Guddoomiye Ku Xigeenna uu u noqday Axmed Maxamed Islaam (Daarood/ Ogaadeen/ Reer Cabdille) haddana ah Madaxweynaha Maamulka ku meel gaadhka ah ee Jubba (IJA), Cayrowna wuxu noqday Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Xarakada.

Burburkii maxakamadaha kaddib dhalinyaradii waxay sii wateen hawshoodii markii hoggaamiyayaashoodii la xidhxidhayna waxa taladii la wareegay Axmed Godane (Xusuus: Cayrow weligii ma noqon Hoggaamiyaha Al shabaab). Laga soo bilaabo 2007 waxa hoggaanka xarakada hayey Axmed Godane.

Markii Axmed uu dhaxlay hoggaanka Xarakada wuxu markiiba ka duway ajandihii Soomaaliga ahaa ee ay lahayd, waxaanu la’ aaday ajandihiisii caalamiga ahaa ee Afgahnistan, wuxu isu ekeysiiyey Mullah Cumarkii Afghanistan ee weligii in la’ maqlo moojaane aan la’arag, wuxu beddelay magacisii isaga oo qaatay kii walaalkiisa yar ee Mukhtaar Cabdi, waxaanu xooggiisii isugu geeyey sirdoonka isaga oo kaashanaya taliyihii Amniyaadka Mr. Mahad Karatee (Hawiye/ Habar-Gidir/Cayr), waxaanu Axmed Godane dhisay sirdoonkii ugu xoogga badnaa ee soo mara taariikhda Soomaalida oo gaadhay heer labada walaalaha ahi ay kala shakiyaan ama kaba caseeyaha (baalashlaha) laga xan qarsado iyada oo loo filan karo in uu yahay sarkaal amniyaad ah. Waxa kale oo uu xoogga saaray Borobagaandada iyo iclaamka isaga oo afhayeen ka dhigay wadaadkii afmiishaarka ahaa ee balaaqada badnaa ee Sh Mukhtaar Roobow Cali (Raxan-weyn/Digil/Leesaan) Waxaanu Xarakada Al Shabaab gaadhsiiyey meel aanay xitaa gaadhin maxaakiimtii islaamiga ahaa sida Puntland oo uu ka sameeyey xarun uu ugu talo galay in uu sidii daraawiishta ku dhuunto haddii lagaga adkaado dhulka siman ee Mudug iyo koonfurta isaga oo wakiil ka dhigtay wadaadka mayalka adag ee Sh Abdulqadir Mumin (Daarood/Majeerteen/Cali Saleebaan). Aakhirkiina Axmed Godane wuxu halgankiisii iyo fikirkiisiiba u talaabiyey wadamada deriska gaar ahaan Kenya iyo Tanzania.

Liicitaankii Godane

Dilkii Usama Bin Ladin, Gugiii Carabta iyo Kacaamadii ka curtay waddamadii carbeed, soo xoogaysigii ciidamadama AMISOM ee ka socda midowga Afrika oo lagu bilaabay 4000, haatana gaadhay 30.000, ka bixistii xarakadiisa ee caasimadda Muqdisho, qabsashadii Kenya ee Kismayo, iyo ta ugu muhiimsan oo ah khilaafkii isaga iyo madaxdii sare ee xarakada sida Sh Xasan Daahir Aweys (Hawiye/Habar-Gidir/Cayr/Ayaanle), Ibrahim Afghani, Maraykankii yaraa ee waallaa ee Cumar Xamaami, Fazul Abdallihii reer kamooros iyo Mukhtaar Roobow oo dhammaantood ahaa xidigaha ku wareegsan Dayaxa ayuu mar qudha mid-mid u damiyey nuurkoodiina la waayey ayaa soo dedejiyey liicitaankii hoggaamiyihii xadiidka ahaa ee Axmed Cabdi Godane.

Maxaa lagu xusuusan doonaa Axmed Godane (Legacy)

Jiilka maanta iyo jiilasha dambeba sidii Sayid Maxamed Cabdille Xassan: Axmed Cabdi Godane waxa ay ku xusuusan doonaan xusuuso is-barkan oo qadhaadh iyo macaanba’ leh. Axmed waxa lagu xusuusan doonaa ka xorayntii Muqdisho hoggaamiye kooxeedyada oo uu dagaalada isagu hoggaamin jirey isaga oo mar ku dhaawacmay aagga Galgalato ee u dhaxaysa Balcad iyo Muqdisho, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa dilkii waxgaradka, culimada, aqoon yahanka iyo indheer garadka Soomaaliyeed. Waxa lagu xusuusan doonaa nabaddii uu u keenay dhulkii uu xukumayey 7-da sano oo aan hal qof laguna dhicin laguna dilin muddadaas, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa shareecadii uu dadka nacsiiyey iyo dadkii sida tacadiga ah gacmaha iyo lugaha loo googooyey iyada oo lagu jiro xaalad adag oo dhaqaale iyo dadkii iyaga oo nool dhagaxa lagu dilay. Waxa lagu xusuusan doonaa sidii geesinamada lahayd ee uu ula dagaalamay ciidamada Ethiopia ee uu ugu diiday jiif iyo joog, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa diidmadii uu Soomaali u diiday in ay hadhsato oo dowlad hesho. Waxa lagu xusuusan doonaa kartidisii, maskaxdiisii, soo jeedkiisii, feejignaantiisii, cibaadadiisii, caqligiisii, iyo suugaantiisii, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa qaraxyadii uu soo maleegi jirey, hoobiyihii uu soo gami jirey ee aan obyatiimada (shiishka) lahayn, miinadii uu dhulka ku aasi jirey ee lagu baabi’i jirey iyo weeraradii is-miidaaminta ahaa ee duhurka iyo habeenkiiba ku soo qaadi jirey huteelada iyo xarumaha dowladda. Waxa lagu xusuusan doonaa taaktikooyinkii milateri ee uu hindisi jirey ee imminka lagu daraaseeyo Akademiyada Huluuya ee Ethiopia ee ahayd cunaqabataynta ciidamada cadowga in aan waxna laga iibin, waxna lagu darsan illaa ay go’doomaan oo guuraan, dhinaca kale waxa lagu xusuusan doonaa qaraxii Shaamow ee ay ku shuf beeleen dhakhaatiirtii waddanka wax u soo bartay, macalimiintoodii iyo wasiiradii ugu qiimaha badnaa dowladii Sh Shariif oo uu ugu horreeyo Prof Ibrahim Xassan Caddow (Hawiye/Habar-Gidir/Sacad) iyo Saleebaan Colaad Rooble (Beesha Shanaad/Jareer-weyne/Shiidle). Wadamada dunida iyo kuwa deriskuba waxa ay ku xusuusan doonaan isku daygii dilka Obama January 2009, weerarkii West Gate Mall, qaraxyadii Koobka adduunka 2010 ee Kampala iyo qaraxyadii caweyka Jabuuti, sidoo kale gudaha Soomaaliya waxa lagu xusuusan doonaa isku dayadii dilalkii madaxda ee uu soo maleegay oo uu ugu horreeyo kii Madaxweyne Abdullahi Yusuf ee Baidhaba, Raisal Wasaare Geeddi- Muqdisho, kii Xasan Sheekh ee Villa Somalia iyo kii Daahir Riyaale ee Madaxtooyada Hargeisa. Axmed Godane waxa lagu xusuusan doonaa daliiladii faraha badnaa ee uu soo qaadan jirey, aayadihii, wacdigii uu akhriyi jirey iyo fiqigii jihaadka ee uu askartiisa ku dul akhriyi jirey, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa dilkii culumadii ugu waaweynayd dalka sida Shiikh Dr Axmed Sh. Abdiraxman oo uu ku dilay Boosaaso, Shiikh Abdulqadir Nuur Faarah (Gacamey) oo uu ku dilay Garoowe iyo Shiikh Dr Axmed Abdullahi Waayeel oo uu ku dilay Muqdisho.

Waxa lagu xusuusan doonaa gobalada uu xukumo sida uu ugu adkayn jirey xijaabka ee gabadha aan xijaab wadani aanay suuqa u mari jirin, dhinaca kalena waxa lagu xusaasan doonaa xabaalo faagistii uu soo faagi jirey meydadkii culimadii hore iyo nacsiintii uu dadka soomaaliyeed nacsiiyey kana fogeeyey diinta islaamka oo aan wadaad dambe laga yeelayn shareecaan idinku xukumayaa. Waxa lagu xusuusan doonaa kanaaladii beeraha ee uu jeexay intii uu hoggaanka hayey, Sekedii joogta ahayd ee uu qaybin jirey iyo garsoorkiisii caddaaladda ahaa ee uu ugu garniqi jirey taajirka iyo faqiirka si isku mid ah, dhinaca kalena waxa lagu xusuusan doonaa kumaankun qof ee ku geeryooday colaaddii uu abaabulayey iyo qaraxyadiisii, qof waliba wuxu xasuusan doonaa qofkii uu jeclaa ee uu dilay, waxa guud ahaan lagu xusuusan doonaa cabsidii uu ku abuuray dadkiisa, go’doomintii iyo gaajo ku dilistii uu kumanaanka qof ee ku nool degmooyinka laga qabsado xarakadiisa uu gaajada ku dili jirey, iyada oo malahay caawa qof kasta oo Soomaali ahi hoosta ka leeyahay thanks to President Obama and thanks to the American Drones.

Ugu dambayn waxa Axmed Godane lagu xusuusan doonaa in uu ahaa ninka beeniyey wixii labada boqol ee sano gaal iyo muslim-ba Soomaali ka qorayeen oo ahaa: in Soomaalidu mabda’ kasta, xitaa diintooda, waddaniyadda, saaxiibtinimada iyo derisnimada intaba ay ka hor mariyaan toliimada ama qabiilka, oo diinta soomaalidu tahay qabiilka, wax aan qabiil lagu dhisinina aanu marnaba u dhismi karin Soomaali, waxa keli ah ee Soomaalidu isugu iman karto, ku heshiin karo, iskuna aamini kartaana uu yahay qabiil, Axmed Godane wuxu beeniyey fikirkaas, wuxu isu keenay 10,000 oo askari oo aanu ku jirin mid qabiilkiisa (Arab) ahi oo dhammaantood isaga u dhimanayey, wuxu 8 sano xukumayey dhul aanu ku noolayn hal qof oo qabiilkiisa ahi, waxaanu gaadhsiiyey Soomaalida in wiilka Soomaaliga ahi isaga oo fulinaya amarka Amiir Godane uu soo dilo inaadeerkii, walaalkii iyo aabihii, (that is the history). Dhinaca kale Axmed Godane oo aanay marnaba ka dambayn doonin Xarakada Al Shabaab ee ay la dhiman doonto waxa lagu xusuusan doonaa in uu ahaa qofka loogu neceb yahay ummadda Soomaalida dhexdeeda.

Geeridii Godane:

Axmed Cabdi Godane oo qabay laba xaas (Mid Shiikhaal ah iyo mid Ajuuraan ah, ifkana kaga tegey todoba caruur ah) waxa diyaaradaha is wada (Unmanned Aerial Vehicle) ee Maraykanku ku duqeeyeen dhul-kaymeedka u dhexeeya tuulooyinka Dhay-Tubaako, Hawaay, iyo Sablaale oo ka tirsan Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabeelada Hoose habeenimadii 1da September 2014.

HALKAN KA DAAWO VIDEO AL-JAZEERA & DHIMASHADA  GODANE

7-sano kaddib habeenkii sidaas oo kale loo duqeeyey saaxiibkii noloshiisa iyo taliyihii guud ee ciidamadiisa Macalin Adan Xaashi Cayrow.

WQ: Dayib Mohamed Afgooye  – Jigjiga, Ethiopia

DILKI GODANE


Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh E-mail-ka : kalshaale.com@gmail.com

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. taliso says:

    inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxa uu la wareegayey inuu naftiisa iyo nafaf kale galaafto.

  2. libaax libaax dhalay says:

    Ilaahay haw naxariisto hogaamiya axmed

    • cagey says:

      D……………D………..D………….
      KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
      Inshaa-Allaah is ku meel ayuu Alle SWT idin geeyn.




BOQOR BURHAAN Daawo: Boqor Burhaan oo Waxyaabo Aanu ka filayn kala kulmay Soomalida Minnesota, Hiddo iyo dhaqankii (Video)
- Mar 29, 2015
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo dhowaan gaadhay dalka Maraykanka ayaa wuxuu Booqasho ku tagay ...
MAMULAHA Topnews: Weerarkii Maka Al­-Mukrama oo khilaaf ka dhex abuuray dawlada iyo Maamulkii hotelka oo ku dhegan (Video)
- Mar 29, 2015
Muqdisho (Kalshaale) weerarkii saacadaha badan lagu heystay Hotel Maka Al-Mukarama ayaa xasarad ka dhex abuuray ...
axmed DHEGAYSO: Nabadoon Axmed Diiriye “MD: Xasan Sheekh ayaa amarkiisa ku hogaminaya Shirka maamul samaynta”
- Mar 29, 2015
Muqdisho (Kalshaale) Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay ...